Daawo: Madaxwayne Xasan Sheekh oo digniin culus kasoo saaray farogelinta Imaaraadka Carabta.

12

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhow khudbad xasaasi ah u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan taallaabooyinka gurracan ee ay dowladda Imaaraadka Carabta ku farogalinayso arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Imaaraadka Carabtu uu horay u tagay dalalka Liibiya iyo Yemen, isla markaana uu kala qaybiyay, isaga oo intaas ku daray in maanta uu usoo jeestay waddamada Soomaaliya iyo Suudaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in 10 bilood kadib go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ku laashay heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka Carabta, uu weli sii wado dhibaatooyinka uu ku hayo Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrimaha ciidamada ayaa sheegay in dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay gudaha Soomaaliya ka dhistay saldhigyo milatari oo sharci-darro ah, isla markaana ay sameysay ciidamo ka baxsan kuwa Qaranka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in arrintan ay xadgudub ku tahay hay’adaha amniga dalka, maadaama ciidamadaas aysan ka amar qaadaneynin dowladda federaalka Soomaaliya.

“Imaaraadka wuxuu ku dhiiraaday inuu dhiso saldhigyo milatari iyo ciidamo ka baxsan nidaamka amniga Qaranka Soomaaliyeed, isagoo ogolaansho ka haysan DFS. Ciidan aan ka amar qaadan talisyada Qaranka waa ciidan wiiqaya awoodda iyo midnimada hay’adaha amniga dalka,” ayuu yiri Madaxweynuhu.