DAAWO: Madaxweyne Deni oo kaga hadlay dilka Paul Anthony

1642

Shir jaraa’id uu ku qabtay Xarunta looga arrimiyo maamulka Puntland ayuu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka tacsiyadeeyay geerida Paul Anthony Fermosa oo ahaa Agaasimihii Shirkadda P&O oo hoostagta Shirkadda lagu magacaabo DP World oo gacanta ku heysa dhismaha Dekedda Magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland aysan aqbeli doonin in deegaanadeeda lagu dilo dadka martida ku ah maamulkaasi, inkastoo Ciidamada ammaanka Puntland ay durbadiiba toogteyn wiilka la sheegay in uu dilay Paul, ayuu hadane Madaxweyne Deni sheegay in la sameyn doono baaritaan baaxad weyn.

Isla shirkaasi jaraa’id ayuu Madaxweyne Deni ku sheegay in uu u tacsiyeenayo Dalka uu u dhashay Paul ee Malta, Imaaraadka Carabta oo uu shirkada ay maamulaan uu ka shaqeynayay iyo ehelada uu ka geeriyooday.

Ugu dambeyna waxa uu ciidamada maamulka Puntland uu ku amray in ay heegan buuxa galaan oo ay amaanka dhamaan deegaanada maamulkaasi ay sugaan, isaga oo intaasi raaciyay in tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono askartii ku shaqada lahaa sugida amniga goobta uu dilka ka dhacay.