
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta la hadlay dadka Soomaaliyeed ayaa jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay go’aannadii ugu dambeeyey ee ay dowladdu qaadatay, gaar ahan cayrintii Imaaraadka iyo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isaga oo diray hanjabaad ku aadan xaaladaha soo kordhay.
Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer uga hadlay go’aanka masiiriga ah ee uu ka qaatay Isu Tegga Imaaraadka Carabta, wuxuuna sababta ku sheegay in go’aanka ay ku saleeyeen ilaalinta madax-banaanida dalka.
Madaxweynuhu wuxuu Imaaraadka ku eedeeyay inuu khatar wayn ku ahaa qarannimada Soomaalia, isla markaana uu waday kala qaybinta dalka.
“Nasiib darro dowladda Imaaraadka nalooma dhaqmin sidii dowlad mid ah oo madax-banaan marar badan ayaan ka dalbanay inay noola dhaqmaan sidii dowlad mid ah” ayuu yiri madaxweynuhu.
Sidoo kale, wuxuu diray hanjabaad kale oo culus, isaga oo ku goodiyay inay qaadi doonaan tallaabooyin kale oo lagu difaacayo qarannimada Soomaaliya.
“Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa tallaabooyin kala duwan oo la xiriira difaaca qarannimadeyna, mana jirto cid looga heebeysanayo difaaca Qaranka” ayuu ku hanjabay madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in mas’uuliyad ay iska saarayaan in shacabka Soomaaliyeed ay helaan madax-banaanida dhaqaale iyo mid siyaasadeed, iyagoo kalsooni ku qaba dalkooda qaniga ah iyo dowladdooda.
Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, wuxuuna tilmaamay in si adag ay u diiday dunida, ayna garab istaagtay Soomaaliya.
“Dunida si isku mid ah iyadoo isticmaaleyso erayada ugu adag ayay ku diiday isku dayga Israa’iil ee kala qaybinta dalka” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.



















