DAAWO:-Mahad Salaad oo mar 3aad loodoortay Xildhibaan+SAWIRRO

880

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa markale dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Mahad Maxamed Salaad ayaa kusoo baxay kursiga HOP#147, kadib markii ay u tanaasushay msuharax Shamso Cabdullaahi Maxamed oo malxiis aheyd.

Guddiga SEIT ee Galmudug ayaa shaaciyey in Mahad Salaad oo loo qaaday gacan taag uu helay dhamaan codadka ergada oo ah 101, sidaasina uu ugu biiray baarlamaanka 11-aad.

“Waxaa ka tanaasulay tartanka doorashada Shamso Cabdullaahi Maxamed waxaa ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Mahad Maxamed Salaad waxaana ogol ugu codeeyey 101 ergada ah oo ah dhamaan ergada,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Sidoo kale wuxuu qoraalka intaasi kusii daray “Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursiga HOP#147 Mahad Maxamed Salaad oo helay 101 cod,”.

Guusha Mahad Salaad ayaa aheyd mid la filayey, maadaama kursigan isaga si gaar ah loogu xiray, kadib musharixiintii la tartami lahaa loo diiday tartanka doorashada.

Xubnaha sida weyn ula loolamayey waxaa ka mid ahaa Cali Yare Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, kaas oo xalay soo saaray qoraal uu hambalyo horudhac ah ugu diray Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo saaka la doortay.

Xildhibaankan dib loo doortay ee Mahad Maxamed Salaad ayaa ka mid ah xubnaha mucaaradka ah ee ku jira baarlamaanka, kana soo horjeedo dowladda Farmaajo.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa kuraasta kale ee loo qorsheeyey in isla maanta doorashadooda lagu qabto caasimada Galmudug.