DAAWO:-Man City Oo Dhulka Ku Jiiday Arsenal +SAWIRRO

1296

Kooxda Arsenal ayaa ku sii jirta xaalkii adkaa kadib guuldaro ceeb ka raacday oo ay kala kulantay kooxda Man City kulan ka dhacay Etihad kana tirsanaa horyaalka premier League.

Qaybta Hore:

Kooxda Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana ay daqiiqadihii ugu horeeyay halis galisay goolka kooxda Man City kuwaas oo dhankooda doonayay in ay ciyaart dajiyaan.

Laakiin wixii intaas ka dambeeyay Man City ayaa ciyaarta dajisay waliba maamulaysay ciyaarta iyaga oo Arsenal awood badnaa dhinac walba xilli ay Gunners si aad ah u dhibaatootay.

Daqiiqadii 7-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.

Sidii caadad ahayd ee aan uga baranay Arsenal xiddigaha kooxda ayaa gabi ahaan niyad jabay kadib goolka iyaga oo durba is dhiibay in ay ciyaartu bilow ahayd hadana uma muuqan kuwo doonaya in ay gool dhaliyaan.

Xiddigaha Man City ayaa arintaas ka faa’iidaystay waxana ay sii wadeen raadinta goolal kale xilli ay Arsenal ku marti qaadaysay goolkooda hortiisa waliba ayna wax iska caabin ah kala hor tagayn.

Daqiiqadii 12-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ferran Torres kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 kadib markii uu dhaliyay gool uu kaga faa’iidaystay khalad ay sameeyeen daafacyada Arsenal.

Man City ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayso goolasha xilli ay Arsenal la kulantay war xun kadib markii kaadhak cas ee tooska ah looga taagay xiddiga khadka dhexe ee Granit Xhaka.

Daqiqiadii 43-aad ayay Man City dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City meel walba ku fiicantahay xilli ay Arsenal qaybta hore oo dhan ayna tijaabin goolhayaha kooxda Man City.

Qaybta Dambe:

“Maxaa laga ciyaarayaa Qayb dambe” waxa ay ahayd su’aal ay taageerayaasha Arsenal is waydiinayaan iyaga oo rajaynayay in ay ciyaartu sidaas ku dhamaato oo aan qayb dambe la soo laaban.

Kooxda Man City ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal xilli Arsenal doonayso in ay ciyaartu uga dhamaato sida ugu dhaqsaha badan.

Daqiiqadii 53-aad ayay Man City dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta waxana goolka u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Rodri kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.

Daqiiqadii 85-aad ayay Man City dhalisay goolka 5-aad ee ciyaarta waxana markan u dhaliyay xiddiga Ferran Torres kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/0/?

Kadib goolkaas kooxda Man City ayaa Yar joojisay cadaadiskii waalida ahaa ee ay ku hayeen Arsenal si ay xiddiguhu ugu dhex nastaan ciyaarta maadama ayna xiddigaha Arsenal xitaa isku dayin in ay tijaabiyaan goolkooda.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City xasuuq kula kacday kooxda Arsenal iyaga oo uu Pep Guardiola xaalka ku xumeeyay caawiyihiisii hore waliba sabab u noqon karo in uu shaqadiisa waayo inta lagu jiro fasaxa xulalka.