Manchester City ayaa Ku doo laabatay wadada guusha kadib markii ay garaacday Leicester City kulan ka tirsanaa wareegii 19-aad ee horyaalka Premier League kana dhacay garoonka King Power Stadium.
Ciyaartii dhexmartay labada kooxood ayaa ahayd tii 500-aad ee uu Pep Guardiola hogaamiyo Manchester City tan iyo markii uu kooxda la wareegay sanadkii 2016-kii.
Manchester City ayaa kulanka soo gashay iyada oo doonaysa in ay guul ku soo afjarto sanadka 2024 halka Leicester City doonaysay in ay xaalada ku xumayso City.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Brazil Savinho ayaa daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxda Man City.
Weeraryahanka reer Norway Erling Braut Haaland ayaa daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Citizens.
Guushaan waa tii ugu horeysay ee Man City ka dib markii ay 4 kulan oo xiriir ah wax guul ah ka gaarin horyaalka Premier League, halkaasoo ay barbardhac la gashay Crystal Palace iyo Everton, waxaana laga badiyay Manchester United iyo Aston Villa.