DAAWO:-Man City Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Borussia Dortmund +SAWIRRO

2099

Kooxda Man City ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Borussia Dortmund kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League kana dhacay garoonka Etiad Staduim.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa ahaa mid ku adag labada kooxoodba kaas oo ayna si dhib yar ku kala bixin iyada oo koox walba soo bandhigtay wixii ay awood haysay waxbana la hadhin.

Kooxda Man United ayaa ku fiicnayd dhanka kubad haysashada xilli kooxda Borussia Dortmund qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay marar badan ku halis galiyeen Goolka kooxda Man City.

Daqiiqadii 19-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kooxda Man City ayaan halkaas ku joogsan siina waday maamulista ciyaarta iyaga oo halis galiyay goolka kooxda Borussia Dortmund kuwaas oo difaac adag ku jiray.

Dhankooda Dortmund ayaa dhankeeda samaysay fursado fiican oo ay goolal ku dhalin kartay xilli ay qaadayeen weerar rogaal celis ah oo halis ah.

Daqiiqadii 37-aad ayay Borussia Dortmund dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bellingham laakiin Goolkaas ayaa la diida sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddigu.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City hogaaminayso kulanka laakiin labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar adag oo labada kooxoodba si fiican u ciyaareen.

Qaybta Dambe:

Kooxda Man City ayaa sii waday maamulista ciyaarta qaybta hore iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen gool ay natiijada ku hubsadaan.

Laakiin Kooxda Borussia Dortmund ayaa si fiican u difaacatay waxana ay dhankeeda qaadaysay weeraro halis galiyay kooxda Man City kuwaas oo aan kala joojin fursadaha ay samaynayeen.

Daqiiqadii 84-aad ayay Kooxda Borussia Dortmund ka Naxsatay Man City kadib markii uu xiddiga Marco Rues dhaliyay goolka bar-baraha ciyaartana ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Daqiiqadii 89-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Phil Foden kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay kooxda Man City hogaanka ugu qabatay ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City guul dirqi ah oo ay ku dhibaatootay ka gaadhay kooxda Borussia Dortmund hal lugna la gashay wareega xiga ee Semi-final-ka tartanka Champions League.