DAAWO:-Man City Oo Hawada Ku Dubatay Man United+SAWIRRO

1241

Kooxda Man City ayaa xasuuqday Man United kulan ka dhacay Etihad Staduim kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ku bilowday sidii la filayay iyada oo Man City maamulayso ciyaarta xilli ay Man United difaac ku jirto waliba weeraro rogaal celis ah adeegsanayso.

Man City ayaa daqiiqadii 5-aadba dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Khadka dhexe ee Kevin De Bruyne kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Man United ayaa dhankeeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah waxana ay helaysay fursado yar-yar laakiin umay badalin wax goolal ah fursadahaas.

Man United ayaa daqiiqadii 22-aad qaaday weerar rogaal celis ah oo ay ku doonaysay goolka bar-baraha waxana daqiiqadii 22-aad goolka bar-baraha u dhaliyay xiddiga Jadon Sancho kaas oo kooxdiisii hore gool ka dhaliyay.

Kooxda Man United oo ku dhibaatoonaysay dhanka difaaca ayaa daqiiqadii 28-aad laga dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kevin De Bruyne kaas oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City ahayd kooxda fiican xilli ay United kaliya ku ekayd weeraro rogaal celis ah iyo difaaca.

Qatii dambe ee ciyaarta ayay Man City u soo gashay sidii ay u maamuli lahayd ciyaarta iyaga oo aan goolka ugu deg-degayn sidii qaybtii hore xilli ay Man United doonaysay in ay dhaliso goolka bar-baraha.

Laakiin Man United ayaa ku dhibaatootay in ay xitaa kubada ku laagto goolka Man City qaybtii dambe ee ciyaarta xilli ay Man City si fiican u difaacanaysay.

Man City ayaa dhawr jeer ku dhawaatay in ay Man United ka dhaliso goolka 3-aad laakiin Goolhaye De Gea ayaa ahaa xiddiga ugu fiican Man United inkasta oo goolal laga dhaliyay.

Daqiiqadii 68-aad ayay Man City dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Riyad Mahrez kaas oo ka baxay Abaartii goolasha ee uu ku lahaa kooxda Man United.

Hadii uuna David De Gea ku jirin goolka Man United waxa laga dhalin lahaa ugu yaraan 3 gool oo kale laakiin Goolhayaha reer Spain ayaa badbaadino waali ah sameeyay kooxdiisana u jihaaday.

Daqiiqadii 90+2-aad ayay Man city dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Riyad Mahrez kaas oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta isaga oo ka dhigay 4/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay Man City oo xasuuqday kooxda ay jaarka yihiin ee Man United xaalakana ku sii xumeeyay kooxda Ralf Ragnick.