DAAWO:-Man United oo aaqiru saac kabadisay West Ham United+SAWIRRO

1105

United ayaa waqtigii geerida waxa ay ka taqaluseen West Ham oo ay uga talaabsadeen 2/1 ka dib ciyaar qeybta labaad ay maamushay United

Sheekada labada qeyb : West Ham iyo Man United ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ka dib ciyaar biloowgii dhanka United uu ka muuqday isku dhex yaac
Biloowgii United ma wacneyn si ayay gaabis u ahaayeen , isku dhex yaac iyo qalaad ayaa muuqday

Sidaas oo ay tahay kubadda iyaga ayaa ku badnaa xilli West Ham daafac ahaan iyo rogaal celiska ay aad ugu wacnaayeen

United birta ayaa gool ka diiday daqiiqadii 26-ad waxaana sidaas sameeyay Fernandes oo aad u wacnaa qeybtaas hore halka West Ham gool cajiib noqon lahaa uu ka bad baadiyay De Gea
Si kastaba West Ham gool ku sii dhacday Varane ayay heleen daqiiqdii 30-aad balse United goolka bar bar dhaca waxa ay heleen goolka bar bar dhaca daqiiqadii 35-aad Ronaldo ayaana dhaliyya

Qeybta labaad , United dar dar ayay ku soo galeen halis gilin muuqata waa ay sameynayeen halka iyana wajaheen dhacadaas oo kale

Waxaa xusid in Poga uu ku dhibaatoonayay booska bidix ee laga ciyaarsiinayay .

Goolhayaha West ham aad ayuu u foojignaa bad baado cajiibna ah waa sameyayay balse United dhankooda waxaa ka go`naa gool dhaliyna oo isku dayo cajiib ah ayay sameynayeen
United waa ku wacnaayeen kubad haysashada balse daafac adag ayay wajahayeen waxa ayan badlakooda ugu horeeyay daqiiqadii 73-aad ku soo giliyeen Sancho , iyo Lingard oo loo saaray Greenwood iyo Pogba

Zouma ayaa laf dhuun gashay ku ahaa United oo kubad waliba gool noqon kartay soo bad baadinayay, balse cadaadisk United waxaa ku yimid gool cajiib ah oo uu banaanka ka toogtay Lingad

West Ham rogoore ayaa laga qabtay waqtigii dheeriga , waxaana bad baadiyay De Gea xilli ciyaarta ku dhamaatay 2/1.