DAAWO:-Man United Oo Garaacday Crystal Palace+SAWIRRO

1331

Kooxda Man United ayaa guul dirqi ah ka gaadhay Crystal Palace kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay garoonka Old Trafford iyada oo uu tababare Ralf Rangnick guul ku bilowday xirfadiisa Man United.

Kulanka ayaa ahaa Mid aad u adag iyada oo ayna labada kooxood samayn fursado badan oo goolal laga dhalin karo.

Kooxda Man United ayaa maamulaysay ciyaarta xilli ay Crystal Palace qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay goolal ku doonayeen.

Qaybta dambe ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna labada kooxood wax goolal ah kala dhalin inkasta oo ay isku qaadeen weeraro.

Labada kooxood ayaa qaybta dambe ku bilowday qaab dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay natiijada ciyaarta wax ka badalaan.

Man United ayaa ahayd kooxda dar-darta badan iyaga oo doonayay in ay tababarohooda cusub la gaadhaan guushii ugu horaysay ee horyaalka premier League.

Laakiin Palace ayaa ku dhawaatay in ay Man United ka dhaliso gool kadib markii ay iska khasaariyeen fursad dahabi ah oo ay ku hogaamin kareen ciyaarta.

Wax yar kadib fursadii Crystal palace Man United ayaa daqiiqadii 77-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Fred kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United sidaas ku gaadhay guul muhiim ah iyada oo uu tababaraha cusub guul ku bilowday xirfadiisa tababaranimo ee Man United.