DAAWO:-Man United Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Atalanta+SAWIRRO

1462

Kooxda Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Atalanta kulan ka tirsanaa champions League kana dhacay Old Trafford.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo Atalanta ka yaabsatay Man United waliba soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.

Daqiiqadii 15-aad ayay Atalanta dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Mario Pasalic kaasoo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Atalanta ayaa sii waday dadaalka iyaga oo doonayay in ay sii wadaan goolasha ay ka dhalinayaan kooxda Man United.

Daqiiqadii 26-aad ayay Atalanta dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Merih Demiral kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 looga horeeyo Man United.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United ku dambayso 2 gool xaalkuna ku xun yahay kooxda oo joogta garoonkeeda.

Laakiin Man United ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe ee ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta.

Daqiqiadii 53-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Man United rajo ka heshay ciyaarta.

Man United ayaan halkaas ku joogsan waxana ay doonayeen in ay ku soo laabtaan ciyaarta xilli ay Atalanta difaac gashay.

Daqiiqadii 75-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay daafaca Harry Maguire kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2 ay Man United ku soo laabatay ciyaarta.

Man United ayaan halkaas ku joogsan waxana ay Man United dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta daqiiqadii 81-aad waxana u dhaliyay xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Atalanta waliba Cristiano Ronaldo badbaadiyay Man United.