DAAWO:-Man United Oo kubar baratay Liverpool +SAWIRRO

268

Ka dib laba guul darro oo ay horyaalka ku biloowdeen Man United , waxa ayna guul ay u qalmeen waxa ay ka gaareen Liverpool oo ay uga talaabsadeen 2/1

Sheekada ciyaarta: qeybta hore , Man United ayaa Liverpool nasiinada ugu dirtay hal gool oo nadiif ah kaasi oo uu si qurxoon u dhaliyay Sancho

Liverpool qeybtaas hore waxa ay ka sheegteen habacsanaan garbaha oo baasas laga fiican yahay ayay sameynayeen

Qadka dhexe Liverpool waxaa u adkaa in kubadda haystaan mana jirrin halis gilin muuqata oo ay sameeyeen
Dhanka United aad ayay u wacnaayen , cadaadis isku balaarinta garoonka , isku xernaan ayay sameeynayeen waxaana si dheereyd in ay ku guuleysteen xakameynta halis waliba oo imaan kartay Diaz iyo Salah

Qeybta Labaad : United wax iska badalay ma jirin halisna waa ahaayeen ilaa ay ka faa`ideysteen ciyaartooyda Liverpool oo banaanka u soo baxayay waxa ayna heleen gool kale oo qurxoon waxaana saxiixay Rashford daqiiqadii 53-aad

Liverpool is fahan la`aan ayay ka sheegteen waana ku adkeyd in kubadda si sax ah afka hore u geeyaan halka United isku dayo kala duwan ay sameynayeen .

United hab ah cadaadis ah ayay ciyaarayeen waana laga filan karay goolala dheeraad ah xilli saxiixa cusub United ee Martinez uu dhigay wacdaro waliba waxa uu sameeyay kubad gool noqon laheyd oo kooxdiisa ka dhalin kaaray Bruno .

Dhamaadkii , dhamaadkii Liverpool isku dayo cajiib ah ayay sameeyeen waana laga bad baadinayay ilaa ay keeneen gool ka dib kubad laga bad baadiyay Carvalo waxaa madaxa ku dhaliyay Salah daqiiqadii 82-aad

Ronaldo keydka ayaa lagu cabay daqiiqadii 84-aad ayaana la soo giliyay , si kastaba oo Liverpool isku dayo u sameeyeen waxaa loogu dhameeyay 2/1 oo ay United ugu soo laabteen wadada guusha.