DAAWO:-Man United Oo kutumatay Tottenham +SAWIRRO

1279

Man United ayaa sedex gool oo ay u qalmeen waxa ay ku soo garaaceen Tottenham  kuwaasi

Sheekada labada qeyb : labada koox ee Tottenham iyo United ayaa soo bandhgay ciyaar isu dheeli tiran waxaana nasiinada lagu aaday gool uu dhaliyay Ronaldo dhamaadkiiq eybtii hore

Tottenham waa ay heleen fursado balse waa iska qasaariyeen waxaana u sabab ahaa go`aano deg deg ah oo ay qaadanayeen

Guud ahaan ciyaarta waa u furneyd labada dhinac , heerka kubad haysashada waa isu dhawaaeen.

Xiddiga Fred aad ayuu wacnaa kulankaan weerar iyo daafac waa ka qeyb qaadanayay, waxaana xusid mudan in guud ahaan Tottenham ay mar wlaiba door bidayeen kubadaha rogaal celiska ah .

Qeybta labaad , United ayaa xoogaa wacneyd waxa ayna Tottenam  ka sheeganayeen in isku xerka kubadda uu ka maqnaa .

Ka dib biloowgaas Tottenham waa wacnaayeen balse go`aanada afka hore u qaadanayeen ayaa qaldanaa halka United halis ahaayeen lagana filan karay gool labaad waxaana ugu dambeyn dhaliyay Cavani daqiiqadii 64-aaad

Tottenham qalad ugu badan ay galayeen ayaa ah in daafacooda si ka badis badis ah afka hore ugu dhaqaaqayeen , waxa ayna United badalkooda ugu horeeyay sameeyeen daqiiqadii 71-aad waqtigaas oo ay soo giliyeen Rashford oo loo saaray Ronaldo  halka daqiiqadii 76-aad soo giliyeen Nemanja Matic oo loo saaray Fernandes .

Si waliba , Tottenham waa xumaayeen qeybta abaad waxaana loogu daray gool 3-aad daqiiqadii 86 waxaana sidaas sameeyay Rashford  , waxaana loogu dhameeyay sedexdaas s gool xilli United kulankaan taatiko ahaan ay wacnaayeen