DAAWO:-Man United Oo Man City kadajisay Tareenkii Guulaha +SAWIRRO

1464

Man United ayaa is dajisay guulihii is xig xigay ee Man City waxa ayan ku garaaceen laba gool oo nadiif ah

Man City iyo Man United ayaa nasiinada ku aaday hal gool oo nadiif ah oo ay wiilasha Ole Gunner lahaayeen kuwaasi oo daqiiqadii 2-aad helay gool rigoore ah waxaana dhaliyay Bruno Fernandes

Ka dib goolkaas United waa ay wacnaayeen waxa ayna qaadayeen weerar balse ma jirrin wax halis gilin oo ay ku sameeyeen goosha City.

Dhacdooyinkaas ka dib , City iyaga ayaa aad ugu sareeyay maamulka kubadda waliba mararka qaar halis gilinayay goosha United balse waa ay iska qasaarinayeen fursadaha

United waxa ay qeybtaas ku wacnaayene difaaca iyo in kubadda ka kala jaraan Citty kuwaasi oo dhankooda ciyaarayay kubad kalsooni , xilli labada dhinac qeybta labaad laga filan karay goolal .
City halis kuma aheyn dhanka weerarka waxa ayna u baahnaayeen is badel ay sameeyaan maadaama ay adkeyd in si sahal ah loo jiiro daafac United

Soo laabashadii , City daqiiqadii 47-aad waxa ay ku sigteen gool balse birta ayaa uu diiday, waxa ayna United ka dib kubad uu gacanta ku soo tuuray goolhayaha waxaa helay Shaw kaasi oo inta uu baastay ka dib dib u helay kuna dhaliyay gool qurxoon daqiiqadii 50-aad

City isku dayo kala duwan ayay sameynayeen balse si sax ah ugama aysan faa`ideysaneyn xilli United iyana City ku halis gilinayene kubadaha rogaal celiska , waxa uuna macalin Pep badalkiisa ugu horeeyay sameeyay daqiiqadii 66-aad waxa uuna soo giliyay Walker oo loo saaray Cancelo xilli Martial daqiiqadii 68-aad laga bad baadiyay gool xaqiiq ahaa.

City badalkooda labaad waxa ay sameeyeen daqiiqadii 71-aad iyaga oo soo giliyay Foden oo loo saaray Jesus halka United iyana daqiiqadii 72-aad soo giliyeen Greenwood oo loo saaray Rashford oo dhaawacmay .

City isku dayo waliba ayay smaeeyeen waxa ayna dhamaadkii bilaabeen in kubadaha meel dheer ka toogtaan waliba fursado xaqiiq ayay iska qasaarinayeen.

Daqiiqadihii geerida , Man United waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska halka City dhameystirka uu ka maqnaa xili Ole Gunner daqiiqadii 87-aad uu soo giliyay Matic oo loo saaray Martial , waxaana xusid mudan in ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee ay guusha ku raacday United.