DAAWO:-Manchester United oo 3-2 kudirtay Tottenham +SAWIRRO

1274

Kooxaha Manchester United iyo Tottenham ayaa wada ciyaarey kulan ku xisaabsanaa kulamada todobaadkan ee horyaalka ingriiska kaa oo ka dhacay garoonka Old Trafford ee ay ku ciyaarto kooxda Manchester United.

Qeybtii hore ayaa ku bilaabatey weerar iyo weerar celis oo labada kooxood ay midba mida kale ay ku dooneysey in ay fursadeeda ka faaideysato, iyadoo Tottenham ay carcartu ku xooganeyd daqiiqadihii hore.

Laakin wax walba waxaa ay isbedeleen daqiiqadii 12aad kadib markii fursad isku dhufasho qurux badan ah ay heleen ciyaartoyda kooxda Manchester United iyadoo fursadaasi uu gool aad u qurux badan uu u bedeley Cristiano Ronaldo, ciyaartana ka dhigey gool iyo waxba oo ay ku hogaamineyso kooxdiisa.

Ciyaaryahanada Tottenham ayaa weerar culus ku soo qaadey kooxda Manchester united goosheeda iyagoona doonaya in ay iska soo gudaan goolkaasi, nasiib wanaag dadaadkoodaas waxaa ay daqiiqadii 35aad ku heleen gool ku laad, Harry Kane ayaa gool ku laadkaasi waxaa uu u bedeley gool isagoona ciyaarta ka dhigey barbaro gool iyo gool ah.

Manchester United oo caawa carar ku bilowdey qeybta hore ee kulankeeda iyo Ronaldo oo qaab ciyaareedkiisa qeybtii hore ay aad u wanaagsaneyd mar kale ayeey fursad gool ah heleen daqiiqadii 38aad ee qeybtii hore waxaana uu CR7 ciyaarta ka dhigey laba gool iyo gool oo ay Manchester United ku hogaamineyso.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo idlaatey laba gool iyo gool oo ay Man United ku hogaamineyso.

Qeybtii labaad ayaa la isugu soo noqdey, kooxda Tottenham iyada oo maanka ku heysa in gool lagu leeyahay diyaarna ay u yihiin in ay iska soo gudaan ayeey ciyaarta ku soo noqdeen, halka United ay iyaduna dagaal diyaar u aheyd isla markaana dooneysey in goolkeedana ay difaacato isla markaana mid kale ku darto.

Dadaalka ayeey Tottenham sii wadeen iyagoona doonaya in fursad walba oo ay helaan ka faaideystaan.

Nasiib wanaag daqiiqadii 72aad ayaa Tottenham waxaa ay heshey goolkii barbaraha kadib markii uu gool iska dhaliyey kabtanka Manchester United Harry Miguare ciyaartana waxaa ay noqotey laba gool iyo labo oo barbaro ah.

Manchester United weeraryankooda Ronaldo oo caawa ay u shidneyn garoonka ayaa yiri aniga ayaa jooga kadib markii wax ka yer 10 daqiiqo uu goolka dheeriga ah kooxdiisa u keeney isla markaana ciyaarta ka dhigey seddex gool iyo labo.

Daqiiqadihii ciyaarta loogu talagalay ayaa soo idlaadey waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatey seddex gool iyo laba oo ay guusha ku raacdey kooxda Manchester United.