DAAWO:-Mareexaan anaga wax colaad ah uma qabno

1694

Madaxweynihii hore ee Puntland ahna senator katirsan aqalka sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka hadlay hantidii ku burburtay iyo dhacii ka dhacay Muqdisho xilligii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in burbur iyo kala googo aysan Soomaaliya dani ugu jirin isla markaana uu xusuusto dhibaatadii ka dhalatay 1990 ayna isaga iyo carruurtiisu kamid ahaayeen dadkii dalka ka cararay isla markaana lagu qabsaday hantidii ay Muqdisho ku lahaayeen aysanna cidna u haysan xilligaan wixii soo gaarey.

“Wax colaad ah cidaan u qabaa majirto, Xamar baan tegey rag ayaana ii sheegay inay ii hagaajinayaan guryihii iga burburay, dowladi ma burburin Allaylehe guribaa hal nin wax ku dhuftay nin oday ahoo hadda Garoowe jooga weligayna ma xusuusin ankee deris baan la ahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Ugu dambayntiina waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda federalka ah iyo dhammaan kuwa kale ee Soomaalida inaan dadka lakala saarin isla markaana laysku hayo shacabka dhibaatooyinka soo maray sida uu hadalka u dhigay.