DAAWO:-Marna ma ogolaanayo in somaliya lakala gooyo

362

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan marnaba aqbalayn gooni isu taaga maamulka goballada waqooyi ee Somaliland.

Khudbad uu xalay u jeediyay Soomaalida Mareykanka, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in aysan gorgortan ka geli doonin midnimada Soomaaliya.

Somaliland ayuu xusay inay u ogal-yihiin, si lamid ah siddii hore fududeynta mashaariicda hormarineed, balse uusan marna yeelayn ajande kasta oo kala qeybinaya Soomaalida oo horey u kala fogeyd.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu dalka hoggaaminayay sannadihii 2012 – 2017kii, wada-hadalo la qaatay hoggaankii xilligaas ee Somaliland, Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kuwaas oo aan natiijo wanaagsan kasoo bixin.

Maamulka Somaliland ayaa muddo ka badan 30 sano, sheegaynaysay in ay ka go’day Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse weli ma helin aqoonsi caalami ah.