DAAWO: Maryan Qaasim “Isma laheyn Qalbi-dhagax baa soo bixi doona”

985

Wasiirkii hore ee Gargaarka XFS Maryan Qaasim, ayaa soo dhaweysay laalitaanka Golaha Wasiirada XFS ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ee go’aankii Golihii Wasiirada ee Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ay 2017kii ugu aqoonsadeen Urur Argagixiso jabhadda ONLF.

Maryan Qaasim oo kamid aheyd Wasiiradii saddexda ahaa ee go’aankaas ka horyimid, xilligaas ayaa sheegtay inay ku faraxday horey soo deyntii Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax, oo loo dhiibay Itoobiya, aysana fileyn in uu sii noolaan doono, iyo in maanta laga saaro liiska Argagixisada ONLF.

Sidoo kale, Maamo Maryan ayaa xustay in wax laga xumaado ay aheyn in halgamaa Soomaaliyeed loo dhiibo cadowgii uu dhulka ka difaacayay, iyo in Urur argagixiso loo aqoonsado jabhaddii xaq u dirirka aheyd ee Soomaali Galbeed.