DAAWO:- Maxaabiista lagu qabtay dagaalkii ka dhacay togga Laag

1778

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal gelinkii hore ee maanta ciidanka Puntland iyo Alshabaab ku dhexmaray deegaamo katirsan Togga Laag ee duleedka Koonfureed ee Boosaaso oo ay ku sugnaayeen raggii xalay ka baxay magaalada Boosaaso.

Saraakiil ka tirsan xoogaga ciidanka Puntland ee ka qeybgalay dagaal maanta ka dhacay togga Girible ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaas iyo inay horumar ka sameeyeen ka dabo-tagii Puntland ku samaysay maleeshiyaadkii xalay soo weerarey jeelka magaalada Boosaaso.