DAAWO:-Maxamuud Xaashi oo laga saaray Xisbiga Kulmiye

1012

Wareegto uusoo saaray xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa xisbiga  lagaga caydhiyay siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, oo isaga oo ka tirsan xisbiga hadana xil guddoomiyenimo u doontay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Wareegtada oo uu ku saxeexanyahay guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Axmed Cabdidheere, ayaa xaashi ku eedaysay in uu jabiyay xeerka xisbiga Kulmiye, isla markaana uu si khaldan u isticmaalay magaca xisbiga uu ka tirsanyahay, sidaa darteedna xisbiga laga eryay maanta laga bilaabo.

Hoos ka akhriso wareegtada oo dhamaystiran:-