DAAWO:-Maxkamadda Ciidamada oo baaris ka bilaabay Baraawe +SAWIRRO

343

Wasiirka Difaaca XFS, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute, Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Masuuliyiintaan ka socotay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa ciidanka ku booqday difaacyadooda, sidoo kale waxay u kuur-galeen nolosha shacabka ku nool magaalada Baraawe.

Askarta qaar iyo saraakiisha ciidamada ayaa laga wareystay sida uu ku bilowday gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay Baraawe, waxayna masuuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ku amreen ciidamada inay is walaashadaan oo gacan ka hadal dambe uusan ka dhicin Baraawe.

Wasiirka Difaaca ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ciidanka kula dar-daarmay inay masuuliyad muujiyaan oo xabad dambe aysan isku ridin, waxa uuna madaxda maxkamadda ciidamada ka codsaday inay dedejiyaan baaritaankooda, si caddaaladda loo waafajiyo shaqaaqadii ciidanka ku dhex-martay Baraawe.