Daawo: Maydka Jeneraal Sheegow oo lasoo bixiyay

38

Alle ha u naxariistee waxaa haatan Muqdisho ka socoto qaban-qaabada aaska marxuum Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo maydkiisa lagu wareejiyay ehelladiisa, kaas oo dhowaan geeriyooday, isaga oo xabsi ugu jiray dowladda Soomaaliya. 

  

Marxuumka ayaa salaadda Janaazada lagula dukaday isbitaalka Digfeer, waxaana ka qayb-galay Janaazada guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Liibaan Cali Yarow, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka oo beeshiisa ka soo jeedo. 

  

Qaar kamid ah ehellada oo ka hadlay aaska marxuumka ayaa sheegay in maydkiisa la gayn doono Jowhar oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo, laguna aasi doono halkaasi. 

  

“Waxaa la’isku afgartay in la dhammeystiro aaskiisa, dowladdana waxay ogolaatay in Jananka ay ku wareejiyo ehelladiisa” ayuu yiri Dr. Mahad Hashim oo ka mid ah ehellada. 

  

Sidoo kal wuxuu sii raaciyay “Beesha Jareerwayne ayuu ka dhintay AUN Jeneraal Sheegoow, maantana waxaa maydkiisa ku aaseynaa magaalada Jowhar”. 

  

Sheegow ayaa waxaa horay loo sheegay in xanuunkiisu kasoo bilowday Cagaarshow, balse uu u dilaacay Kansar, sida uu toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka warfaafinta HirShabeelle, Cabdishakuur Shaashaa, oo Jananka ay qaraabo ahaayeen. 

 

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay isbitaal geysay ninkan, haddana ehelkiisu waxay ku doodayaan inuu dayacaad u dhintay, oo uusan helin daryeel caafimaad oo ku filan. 

  

Jeneraal Sheegow ayaa loo xiray iska horimaad Muqdisho ku dhex maray ciidan uu watay iyo ciidamada dowladda. Qabashadiisa kaddib, waxaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu ku jiray xabsiga ku yaalla Muqdisho.