DAAWO: Messi oo ka careysiiyey kumanaan taageerayaal ah oo ku nool India+SAWIRRO

50

 

Ciyaaryahanka kubadda cagta Lionel Messi, ayaa booqasho ku tagay Hindiya, waxaa la qorsheeyay garoon kubadda cagta ah oo ku yaal magaalada Kolkata, inuu kula kulmo kumannaan taageerrayaal ah oo doonayay inay arkaan , kuwaasoo garoonka ku galay $12 kun illaa $100.

Balse wax ka yar 20 daqiiqo ayuu halkaa joogay , isla markiiba waxaa laga saaray garoonka cabsi laga qabay badqabkiisa, laakin tani waxay ka caraysiisay dadkii doonayay inay arkaan ee lacagta badan bixiyay, kuwaasoo markii dambe gudaha u galay garoonka, halkaana burbur ka geystay.

Wali xaaladan ayaa taagan iyadoo dadka qaar ay sheegayaan mushaharkooda bisha oo dhan inay u bixiyeen si ay u arkaan Messi , laakin la dhacay oo ay doonayaan lacagtii ka baxday, maaddama aysan arkin.

Wasiiru dawlaha West Bengal, oo ah gobolka ay Kolkata ka tirsan tahay ayaa ka mid ah dadka dhibaatadan wajahay, waxaana garoonka laga saaray Messi inta wasiirkan uu waddada ku soo jiray, isagoo oo ay la socdaan carruurtiisa oo doonayay sawirro inay Messi la galaan, lagu wargeliyay mar horaba Messi inuu ka baxay garoonka.

Nin ka mid ahaa kumannaan taageerayaasha ah ee tagay garoon kubadda cagta oo ku yaal magaalada Kolkata , ee dalka Hindiya ayaa bixiyay 10,000 rupees ($110) si uu u arko Lionel Messi, balse ma uusan arkin. Sidaas darteed ayuu roogga (carpet-ka) garoonka qaatay, isagoo sheegay inuu dib u iibinayo si lacagta usoo ceshto.