DAAWO:-Midowga musharxiinta Somalia oo markale ku dhawaaqay dibax

1648

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa mar kale ku dhawaaqay in ay qabanaan banaan baxyo nabdoon oo looga soo horjeedo Nidaamka waqtigiisu dhamaaday laguna dalbanayo in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo goordhaw Warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in ay qabanayaan banaan bax nabdoon uu xaq u siinayo dasturrka in ay qabsan karaan.

Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo in uu Ciidamadii qaranka u adeegsaday in uu ku weeraro musharixiinta kuna joojiyo banaan bax si nabdoon loo soo abaabulay.

Waxa uu ugu baaqay Sheekh Shariif saraakiisha kala duwan ee ciidamada qalabka sida in aysan qaadan amarka Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayna qeyb ka noqon in dalka dhibaato mar kale loo horseedo.

“ Waxaa nasiib darro ah on Ciidamadii aan rajada ka qabnay inay dhidibada u aasaan qaranimada Maanta nagula weeraro, ciidamada waxaa ay ku dhisan yihiin sharci & dowladnimo hadii ay ka gudbaana ciidan maahan ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Midowga Musharaxiinta ee kasoo horjeeda Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday Farmaajo ayaana mar kale ugu baaqay shacabka in ay usoo baxaan banaan bax nabdoon oo lagu diidan yahay nidaamka waqtigiisu dhamaaday laguna dalbanayo doorasho xor iyo xalaal ah.