DAAWO:- Mulkiile ayaa jira oo dowladda leh

1684

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo shaqsiyaad uu sheegay inay leeyihiin talada dalka Soomaaliya.

Prof Samatar, ayaa ugu horeyn sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isweydiinayaan shaqsiyaadka ku jira daaha gadaashiisa ee leh awooda maamulka dowladnimada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ka dhisan aysan laheyn Shacabka Soomaaliya, balse ay leeyihiin shaqsiyaad uu sheegay inay dhaqaalo kasoo qaateen dowladda Qatar markii doorashada ay dhaceysay.

Ku xigeenka Nabad Sugidda Fahad Yaasiin ayuu sheegay inuu kamid yahay dadka daaha gadaashiisa ka maamulaya dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka Muqdisho jooga magac bey soo saareen waxay yiraahdeen, Yaa dowladdan Leh? Mulkiile ayaa jira oo dowladda leh, waxayna dadka ku tilmaameen ku xigeenka nabad sugidda, dadka waxay sheegayaan in talada halkaa ka go’do inay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ka go’in, taana waa Imaan daro”.

“Dadkaa ku jeclaan lahaa haddaad wax qabato, Laakiin mar haddaad xukunka ku dhegsan tahay oo cidda aan doonaan geysanayaa meesha leedahay, taasi waxaa beylah ku noqonaya shaqadii dadweynaha loo qaban lahaa”ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Prof Cabdi Ismaaciil, ayaa sheegay inuu goobjoog ka ahaa dhaqaalihii badnaa ee lagu soo doortay madaxda Soomaaliya.