DAAWO:-Muqdisho Gabar looga shakiyey inay Nin tahay oo laqabtay

1714

Waxaa baraha bulshada maanta qabsaday dhacdo ay la kulantay haweeney Soomaaliyeed oo Booliska Muqdisho ay uga shakiyeen inay tahay Nin, kadibna la xiray si baaritaan loogu sameeyo.

Sheekada yaabka leh ee qabsatay Faa’iso Cabdi Maxamed waxay noqotay mid si weyn looga dooday markii ay soo dhigtay barteeda Facebook, iyadoo warbaahinta kala duwan ay wareysi ka qaadeen si ay uga warbixiso wixii qabsaday markii lagu tuhmay inay rag tahay.

Faa’iso Cabdi Maxamed ayaa ka sheekeysay sida askari boolis ah uu uga soo dejiyay Mooto Bajaaj ay saarneyd, kadibna uu ku amray inay furto indha shareer ay xirnayd, markii ay furtayna uu saldhiga geeyay si loo baaro inay nin tahay iyo in kale.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA TV-GA DALSAN