DAAWO:-Musharaxiinta oo shaaciyey ‘in boob lagu billaabay shidaalka somalia

1442

Midowga musharixiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray tallaabooyin Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku bixiso ruqsadaha Baarista Shidaalka dalka.

War ka soo baxay golaha musharixiinta ayaa waxaa walaac looga muujiyay isku dayga Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ku bixineyso ruqsadaha baarista Shidaalka, iyagooo ku tilmaamay tallaabadaas boob hanti qaran, xili lagu jiro marxalad Doorasho oo kala guur ah.

Musharaxiinta ayaa sheegay in tallaabadan ay lid ku tahay nidaamka dowlad-wanaagga iyo Mas’uuliyada Qarannimo, iyadoo sidoo kalena dhaawaceysa dadaalkii iyo heshiiskii geedi socodka deyn Cafinta dowladda Somalia kula jirto Hay’adda lacgata Adduunka.

Ugu dambayntiina musharaxiinta ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu ka waantoobo ku takrifalka musuq-maasuqa hantida Qaranka, isla markaana si deg deg ah u joojiyo ruqsad bixinta baarista Shidaalka dalka.