DAAWO:-Musharixiinta  oo diiday guddiyada doorashada oo ay dowladu magacaawday

1653

Murashaxiin 12 ah oo ka tirsan kuwa la filayo doorashada guud ee Soomaaliya ee 2020/2021 ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku hanjabeen in aaney qeyb ka noqon doonin tartanka doorashada ee sanadkaan haddii uu noqdo mid loo qaabeeyey boob ergo, kuraasta iyo ku shubasho doorashada 2020/2021.

Murashaxiinta ayaa ka digay qalqal siyaasadeed iyo mid amni iyaga oo intaa ku daray iney xaqiijiyeen in guddiyada ay doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay musuq maasuqeen xafiiska madaxweynaha, midka ra’isul wasaaraha iyo midka nabad sugidda.

“Murashixiintu waxa ay si qoto dheer isula gorfeeyeen cabsida laga qabo in uu dalku galo firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah oo sababi kara burbur ku dhaca saabaanka guud ee dowladnimo hadii aan lagu guuleysan qabshada Doorashada Guud ee dalka 2020/2021 si waafaqsan heshiis siyasadeedkii Nidaamka Doorashada Dadban 2020/2021 oo ay wada gareen Madaxda Dowladdda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uuna meel mariyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya bishii Sebteembar 26, 2020 si loo xaqiijiyo hirgelinta iyo maamulka hannaanka iyo habraaca doorasho hufan oo laysla wada oggol yahay kuna dhacda muddadii loo asteeyey,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.

Musharaxiinta waxa ay sidoo kale sheegeen xubnaha guddiga ay ka kooban yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliska NISA.

Sidoo kale musharixiinta ayaa sharci darro ku tilmaameen magacaabista ra’isul wasaaraha ee guddiga doorashada gobollada waqooyi kaasoo uu weli muran ka taagan yahay.

Musharixiinta ayaa si cad u sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu sharciyad buuxdo u heysto magacaabista Guddiga Doorashada ee Gobolada Waqooyi, waxayna codsadeyn in loo maro habkii loo maray sanadkii 2016.

“Waxaan cadeyneynaa hadii aan nahay Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in aynaan marnaba aqbali doonin in aan qeyb ka noqono hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boobka ergada iyo kuraasta iyo ku shubashada doorashada 2020/2021, waxaana ugu baaqeynaa inta goori goor tahay in si degdeg ah looga dhex saaro Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee labada heer dowladeed xubnaha askarta ah ee ka tirsan hay’ada nabadsugida iyo sirdooonka qaranka, xubnaha shaqaalaha maamulka iyo maamuuska madaxtooyada iyo xubnaha ku caan baxay taageerada madaxweynaha si loo ilaaliyo madaxbannaanida guddiyada iyo dibu sixida xadgudubyada awoodeed ee la xiriira magacaabista xubnaha doorashooyinka kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka.