DAAWO: Mustaf Dhuxulow oo kaqayliyay xaflad laga banaday

1300

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ah musharax madaxweyne ayaa ka hadlay xaflad ay xalay ka hor istaageen ciidamada ammaanka, taas oo lagu taageerayey musharaxnimadiisa, isla markaana sida uu sheegay ay soo abaabuleen dhalin yaro taageersan isaga.

Xafladaas ayaa ka dhci laheyd Hotelka Afriik oo ku yaalla agagaarka Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, balse waxa uu sheegay in markii ay bilaaba rabtay ay joojiyeen ciidamo isugu jiray booliska iyo Nabad sugid oo halkaas gaaray.

Mustaf Dhuxulow ayaa arrintaas toos ugu eedeeyey Taliska hey’adda Nabad sugidda, isagoo sheegay inuu la xariiray Taliska guud ee NISA, balse ay u cadaatay in ku talagal looga hor istaagay kulankaas lagu taageerayey.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin waxay soo rogeen dhaqan cusub oo ah in lagu tunto sharciga dalka, dadka qaar waa handadeen, qaarna dhibaatooyin joogto ah ayey ku wadaan,” ayuu yiri Musharax Mustaf Dhuxulow.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Waxaa cad in aysan ogoleyn in dalkan ay doorasho ka dhacdo, waxaa cad in aysan ogoleyn in lala tartamo, waxaa cad inay rabaan in dalka ay ku heystaan xukun kali talisnimo ah, Farmaajo dalkan waa lagu soo dhaweyey, markii loo doortana qof uu xiro iyo qof uu handado ayuu ka dhigay dadkii.”

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu musharaxiinta ku wado caay iyo been abuur joogto ah, isagoo yiri, “Waxaa bilaawday qorsheyaal dadka madaxtinimada kula tartamaya uu kula dagaalamayo.”

“Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihiisa Nabad sugidda Fahad Yaasiin aan dalka iyo dadka lagu aamini karin, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay talo ka yeeshaan xaaladda dalka, sababtoo ah annagii madaxda aheyn oo dalka ka soo shaqeynay oo siyaasadda ku jirnay ayaa meel aan ka marno la’ nafteena ayaa maanta halis ku jirta, bal iska daa dadkii nataageerayee,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale waxuu sheegay Mustaf Dhuxulow in sidii loola dhaqmaayey dadkii mudaharaadayey ay muujineyso kali talisnimada madaxda dowladda, taas oo uu sheegay hadaan laga hor tegin inay dalka god ku ridi doonto.

Arrintan waxay ku soo aadeysaa iyadoo maanta musharaxiinta kale ee mucaaradka ah ay sheegeen in ciidamo la duldhigay guryaha ay Muqdisho ka deganyihiin, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Soobe iyo garoonka Aadan Cadde oo badankood ay deganyihiin.