DAAWO:- Mustafe Cagjar oo diiday shir beelaha DIR uga socday Adis ababa

1871

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar ayaa Waraysi uu bixiyey wuxuu uga hadlay Xaalada deegaanka, Safarkii uu ku tagay Somaliland, iyo Shir la sheegay in beel ay ku Qabsanayso magaalada Addis-ababa.

“Maanta waxaynu nahay dad Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso 8-Milyan oo ku dhex jira 100-Milyan, Uma Baahnin Shir Qabiil, Waynu soo Aragnay Xanuunkeeda.

Shirka Addis-ababa lagu Qabano waa dad kal yimid deegaano kale 90%, Markaa shirkaasi Nama Quseeyo, Balse dadku wuu shiri karaa oo Xaq ayay u leeyihiin,

Waxaanu Jecelnahay Adkaynta Fikirka Qowmiga ah ee Soomaalinimo, maanta ma Awoodno Shir dir, Shir Daarood iyo Shir Hawiye, Balse waxaynu u Baahanay Shir Soomaaliyeed, oo in Beel-Beel loo shiro meel lagu gaadhi maayo, “ Ayuu yidhi Madaxwayne Mustafe