DAAWO:-Mustafe Cagjar oo Hargeysa tagay

1673

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wafdi uu hoggaaminayay,ayaa xalay socdaal dhanka dhulka ah ku gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Wafdigan waxaa Wajaale kaga hortagay Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland, iyadoo la dejiyay mid kamid ah hoteelada magaalada Hargeysa.

Ujeedka socdaalka wafdiga waxaa lagu sheegay iney ka qeyb galayaan mashruuc maanta la filayo in lagu dhagax dhigo wadada isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Wajaale, kaasoo loogu magac daray (Berbera Corridor).

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in dhagax dhiga wadadaas kulan labo geesood yeelan doonaan Mustafa Cagjar iyo Madaxweyne Muuse Biixi , iyadoo lagu soo wareejin doono magaalooyinka kale ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa magaalada Hargeysa ku sugan wafdi ka socda Imaaraatka Carabta, kuwaasoo iyagana u yimid ka qeyb galka dhagax dhiga wadada.

Dhismaha wadada isku xirta Berbera iyo Wajaale waxay fududeyn doontaa in alaabaha ka soo dega Dekeda Berbera ay si toos ah u gaaraan dhulka Itoobiya, isla markaana ay noqoto marin muhiim ah.