DAAWO Muuse Biixi hooyaday buu caayay

2106

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu hooyadii caayay, Islamarkaana uu kusoo tuuray caagad, Sidoo kalana uu damcay inuu la dagaalamo, Xili dhawaan ay madaxtooyada Kulan Looga hadlay Arinta Xadhiga Ramaax ku Qaateen.

Faysal Waraabe Wareysi uu Idaacadda BBC-da Siiyey maanta ayuu ku yidhi: “Waan qarinayay ee madaxweynuhu wuu ila dagaallamay hooyadayna wuu caayay, dhalo uu gacanta ku hayayna wuu igu soo tuuray anigoo xafiiskiisa jooga.. Waxaan ku idhi iska daa Ramaax waa xoghayahaygii arrimaha gudahaa, Isaguna a wuxuu i yidhi waa seeddigay”

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Arimo la xidhiidha Muranka ka taagan Gudiga Doorashada, Wuxuuna xusay inuu Madaxwayne Biixi u sheegay inaanu diyaar u ahayn inay kala diraan Gudigaaasi.