Daawo Muuse Biixi Oo Sheegay In Aan La Xusi Doonin 18 May

1494

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi ayaa Maanta ku dhawaaqay inay joojiyeen laba munaasabadood oo sanadkii mar lagu qaban jiray deegaanadooda sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Munaasabadda 8 Bisha May oo ku beegan markii Soomaaliland ay ku dhawaaqday inay gooni isku taagtay oo ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale iyo 26 Juna oo ku beegan markii la taagay Calan Soomaaliyeed sanadkii1960-kii.

Madaxweyne Muuse Biixi waxaa uu sheegay in la joojiyey labadaasi munaasabadood ee la qaban jiray taas bedelkeedana ay jiri doonaan khudbado Qaran oo ay madaxda Soomaaliland jeedin doonaan.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Cabdi waxaa uu ka sheegay booqasho uu Maanta ku tegay Xarunta Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 ee Magaalada Hargeysa.