DAAWO:-Muuse Suudi oo si wayn loogu soo dhoweeyey Jowahar

1326

Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, halkaasi oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare. 

Muuse Suudi ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Jowhar, waxaana ka qeyb qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Maamulka degmada, qeybaha bulshada iyo barbaarta gaashaaman.

Waxaa sidoo kale isugu soo baxay soo dhoweynta boqolaal shacab ah oo aad u qiireysan, taasi oo muujineysa heerka ay gaarsiisan tahay taageerada ay Muuse Suudi u hayaan shacabka beeshiisa.

Kursiga uu ku fadhiyo Senatar Muuse Suudi oo hadda loo tartami doono ayaa ah kan ugu culus siddeeda kursi ee la qorsheynayo in dhawaan lagu tartamo, ayada oo la filayo in Guudlaawe uu dhowaan soo saaro liiska musharaxiinta Aqalka Sare.

madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la filayaa inuu liiska musharaxiinta Aqalka Sare kusoo daro Senator Muuse Suudi Yalaxow, kadib markii uu iska caabiyey cadaadisyo xooggan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Guudlaawe ayaa ku gacan seeray dalab kaga yimid Villa Somalia, oo ku aadana in liiska laga saaro Xaaji Muuse, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda madaxweyne Farmaajo, islamarkaana ka mid ah hoggaamiyeyaashii hagayey ciidankii Badbaado Qaran ee soo galay Muqdisho.