DAAWO:-Muuse Suudi oo udigay Rooble & Qoor-qoor

1730

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid xubnaha Aqalka Sare ayaa ka hor yimid qorshaha DF ku dooneyso iney qeyb ka mid ah dalka ay ka bilowdo doorashada

Muuse Suudi ayaa sheegay in Doorashada ay ka maqleen laba nin oo kasoo jeeda Beesha Hiraab oo kala ah Ra’iisal wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, isagoo ka digay dagaal iyo qalalaase ka dhalan kara qorshahaas.

“Hawiyaha aan afkiisa ka heyno waa Ra’iisal Wasaaraha iyo madaxweynaha Galmudug, wixii waxay noqdeen Beel yar oo warkii loo soo dhiibay colaad dadkeeda ku gelineysa oo colaad dadkooda ugu baaqeysa shaqo waa la heli jiray, waana la heli doonaa, Saddex nin ma hadlin, laakin marag ayey ahaayeen, waana taagnaayeen, taagnaantooda ayaa xukmineynaa” ayuu yiri Muuse Suudi.

Mar uu ka hadlayay mowqifka Ra’iisal wasaaraha ayuu yiri: “Raiisal wasaaraha uma maleyneynin inuu Beesha Hiraab kaliya Ra’iisal wasaare u yahay, Waxaan u maleynayey inuu Ra’iisal wasaare Soomaali oo dhan u yahay, Wixii loo soo dhiibo inuu sidii Bambo u qarxaayo uma maleyneynin, Nin wax kala reebanaya ayaan u heystay, aad ayaan ayaa loogu han weynaa; waa lagu ceymanaa ayaan is lahayn, laguma ceyman, waxaan aad u rajeynaa dalkan ciidamadiisa inaad dhowrtaan oo aanay amarro khaldan qaadan”

Senator Muuse Suudi wuxuu uga digay ciidamada inaysan dagaal gelin Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

“Farmaajo oo qori wata la fillan maayo, Fahad oo qori watana la fillan maayo, ciidamadow dalka ha iska burburina, dadkiina ha dilina, dalkaan reebta; amarka mid aan la qaadan ayaa jira, Farmaajow wiilasheena hanagu dirin ayaan ku leenahay..” ayuu yiri Muuse Suudi oo saxaafada kula hadlay Muqdisho.