DAAWO:-“Nalaguma cabsi galin doono qaraxii maanta ka dhacay Gaalkacyo”

1535

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhaban Cadd ayaa ka hadlay qaraxii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo uu ku dhintay alle ha u naxariistee gudoomiyihii gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, qaar kamid ah ilaaladiisii iyo dad shacab ah.

Wasiirka ayaa ugu horeyn uga tacsiyeeyey shacabka, ehelada iyo qaraabada marxuumiintaasi geeridii ku timid, isagoona alle uga baryey in uu u naxariisto.

Mr. Dhaban Cadd ayaa sheegay in shiid uu yahay gudoomiye Axmed Muuse Nuur isaga iyo dadkii kale ee la dhintayba, waxaana uu xusay in uu marxuunku soomanaa xiliga qaraxa lala eegtay.

Kuwii ka shaqeeyey arintaasi iyo kii isku qarxiyey ayuu ku tilmaamay dad cadaabka rabi galaya isla markaasna dilka gudoomiyuhu uusan cabsi ku abuuri doonin Puntland.

Dowladda Puntland ayuu sheegay in gobolka Mudug ay ka bilaabayso qorshe ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo lagaga hortagayo qorshayaasha kooxda lagagana daba galayo wixii ay gaysteen.

Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan gudaha Puntland ayuu sheegay ee falalka argagaxa leh dadka ku cabsi galiya ay sifayn doonaan isla markaasna falalkii hore u dhacay iyo kuwa dhacayba aysan cabsi galin doonin Puntland.

Wasiir Dhaban Cadd ayaa ugu dambeyntii bulshada reer Gaalkacyo ugu baaqay in xoga ay lasoo wadaagaan ciidamada talaabo cadna uu ka qaado qof walba kan uu ka shakiyo halka masuuliyada uu sheegay in ay qaadi doono dowladdu.