DAAWO:-Ninkii gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo la xukumay

250

Sweden ayaa maxkamad soo taagtay nin toddoba iyo labaatan jir ah oo gubay kitaabka Qur’aanka, kaasoo lagu helay danbi ah inuu kicinayey fal isir nacayb ah.

Ninkan ayaa ku dooday in ujeeddadiisa ahayd inuu diinta Islaamka ku dhaleeceeyo, balse maxkamadda ayaa arrintaas ku gacan seyrtay, waxayna sheegtay in loo arki karo oo keliya inay beegsanayaan muslimiinta.

Muuqalka gubitaanka uu ninkaasi sameeyay ayaa waxa uu lahaa codad toos ah oo ku baaqaya in la nadiifiyo Islaamka.

Khubarada sharciga ayaa sheegaya in tani ay ka dhigayso mid aan macquul ahayn kiiska oo loo maleynayo inuu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah.

Sweden ayaa mudooyinkan waxaa ku soo badanayey dadka gubaya kitaabka quraanka kariimka, iyagoo fasax ka heysa dowlada wadankaas, iyadoo arrintaas ay caro badan ka abuurtay caalamka Islaamka