Daawo: Ninkii maanta qaraxa ka fuliyey Muqdisho oo la qabtay

1816

Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaran ayaa caawa soo bandhigtay Xudeyfa Daa’uud Yuusuf oo sheegay inuu ka tirsan yahay dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Muuqaal laga soo duubay oo lagu baahiyay barta Twitter-ka ee Hey’adda NISA ayuu Xudeyfa ku qiranayaa inuu ahaa ruuxii qaraxa ku xiray gaarigii maanta ku qarxay Isgoyska 14-ka October Ex Soobe.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta NISA ayaa lagu yiri, “Laamaha Amaanka ayaa maanta gacanta ku soo dhigay dhagarqabe Xudeyfa, katirsan qaybta qaraxyada AS, kaasoo ku xiray qarax dhejis ah gaari yaalay agagaarka isgoyska Zoobe”

Xudeyfa ayaa sheegay inuu saakay ka soo tagay xaafadiisa oo ku taalla degmada Dharkenley, isagoo wata qaraxa nuuca dhajiska ah, kadibna markii uu soo gaaray Isgoyska Banaadir lagu amray inuu raadiyo gaari aan Taargo laheyn si uu ugu dhajiyo qaraxa.

Xudeyfa ayaa sheegay in Isgoysa 14-ka October uu ku arkay gaari aan taargo laheyn oo ku baakiman wadada dhinaceeda, intaas kadibna lagu amray inuu ku xiro qaraxa uu siday, maadaama sida uu sheegay ay ku tuhmeen inuu leeyahay qof masuul ah oo ka tirsan dowladda.

Markii uu qaraxa ku xiray gaarigii ayuu sheegay inay qabteen dad ka ag dhawaa goobta oo arkayay iyo ciidamada ammaanka, qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay hal qof oo wadada marayay.