DAAWO Ninkiii dilay maareeyihii DP World ee dekadda Boosaaso oo dil lagu xukumay

1685

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland ayaa saaka u fadhiisatay dhegaysiga dacwad loo haysto askari ka tirsan ciidanka PMPF ee Puntland oo ku eedaysan in uu fududeeyay dilka Maareeyihii shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa.

Asakariga ayaa kamid ahaa dadkii loo qabtay dilka Maareeyihii shirkadda P&O oo hoostagta DP World kaasi oo 4-Feb-2019 uu nin hubaysan ku dilay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dhegaysiga dacwadda kadib ayaa maxkamaddu ku dhawaaqday xukunka lagu riday askariga oo magaciisa lagu sheegay Xiddigle Maxamuud Axmed Maxamed (Sheekeeye) waxaana lagu xukumay dil toogasho ah balse sida maxkamaddu sheegtay waxaa u furan bil rafcaan ah.