DAAWO:- Odayaal diiday in latoogto Shabaab dil laguxukumay Galkacyo

1130

Maxkamadda ciidanka qalabka sida iyo dembiyada culus ee Puntland ayaa maalinimadii shalay dil toogasho ah ku xukuntay 8 oo ku eedaysnaa kamid ahaanshaha kooxda Alshabaab.

Maxkamadda ayaa shaacisay in raggaan oo kamid ahaa kawaanlayaasha Koonfurta magaalada Galkacyo lagu helay inay dilal qorshaysan, qaraxyo iyo falal argagixisonimo ah ka fulin jireen Koonfurta Galkacyo iyo qaybo kamid ah Soomaaliya.

Muuqaalo maxkamadda laga sii hordaayey ayaa muujinaya raggaan oo qiranaya falalka lagu soo eedeeyey kana sheekaynaya qaabkii ay Alshabaab ugu soo biireen, meelihii ay kala soo shaqeeyeen iyo falalkii ay geysteen mudadii ay kamid ahaayeen kooxdaasi.

Haddaba qaar kamid ah waalidiinta iyo ehelada ragga la xukumay oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Muqdisho ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunka maxkamaddu ku riddey raggaasi qirtay falalka argagixisonimo, waxaana ay codsadeen in la siidaayo.