Daawo: Odayaasha Boosaaso “Siciid DENI waxaa lagu nacay 5-Bilood”

1666

Madaxwayne Siciid Deni waxaa lagu nacay shanbilood gudahood, madaxdii hore ee Puntland-na sanadka ugu danbeeya ayaa la naci jiray, sidaas waxaa yidhi odayaasha Boosaaso.

“Dawladihii hore waxaa la Nici jiray Sanadka u dambeeya, Madaxda puntland waxaan leeyahay 4-tiii Bilood ee ugu horaysay ayaa la idin Nacay, Tallaabo kasta oo aad Qaadaan Nicid ayaa ku Jirta, ee ka Fiirso Madaxwayne oo Afkaaga iyo Dhegahaagu ha Ismaqleen, oo isku miisaan waxaad tidhi Xiligii Ololaha iyo waxaad Samaynayso”.

Puntland ayay sheegeen inay dhibane u Noqotay Xukuumadda hada joogta, Waxaana odayaasha qaar ku baaqeen in xildhibaanadu isbadel keenaan.

“Dawladdii dhexe ee dalka wax ka dambeeya oo Daryeel iyo dib u dhis dalka ku sameeya lama arag, Waxaanu Fariin u diraynaa Xildhibaanada Tallo maalin bay idin seegtay, Dalkii waa Aradan yahay, Wadooyinkii waa go’an yihiin, Idinku waad ka baahan tihiin, Rag baad tihiine Tashada oo Ama shacabka Cabudhiya ama Ragga dhibka ku haya wax ka qabta”.

Odayaasha ayaa si adag uga hadlay Masuuliyiin iyo Waxgarad Boosaaso loogu xidhay, kuwaasi oo diiday inay dib u celiyaan Dhaqaalle ay DF Soomaaliya ugu deeqday Jidka dhex-mara Boosaaso.

“Hadii aan lasoo dayn wixii ka yimaada Waxaa masuuliyadda Qaadaysa Cidii ka dambaysay, Wax badan ayaa la dulqaatay Dulqaadkii waa dhamaaday, 21-Sanno ayay Puntland dhisan tahay Ciidanka waxaanu leenahay kiina dhaawacnay daryeel ma helo, waxaanu leenahay Ciidanka dadka dhibka ka daaya”.