DAAWO:-Odayaasha dhaqanka beelaha hawiye oo udigay Farmaajo

1700

Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed, kaas oo ay uga hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo wax laga xumaado oo aan la aqbali karin ku tilmaamay in mudo ku dhaw laba bilood uu dalku ra’iisul wasaare la’aan ahaado.

Sidoo kale waxay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye si adag uga hadleen kufsi iyo dil dhawaan Muqdisho loogu geystay marxuum Xamdi Maxamed Faarax, tacadiyo kale oo ka dhacay magaaladan iyo ardaydii gobolka Banaadir eek u dhacday imtixaankii dowladda oo ay sheegeen in la siyaasadeeyay.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ugu horeyn gaba-gabadii kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in doorashada soo wajahan aan la fududeysan karin, ka odayaal ahaana ay ka og’antahay inay door-weyn ku yeeshaan.

“Iyadoo kursigii Hawiye maqanyahay ayaa ga’aano la iska gaarayaa, waxaan ka digeynaa waxyaabaha muranka dhalinaaya, waxaan kaloo la yaabanahay in gobolka Banaadir 7,800 oo arday ay dhacdo, waxaas lama qaadan karo, waxaan qarsan karnana maahan, in waxbarashada la siyaasadeeyo,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.