DAAWO:-Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo kahadlay inuu is casilay iyo inkale

345

Senator Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa beeniyay inuu iska casilay xubinimada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal dhowaan lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay is Prof. Cabdi Ismaaciil uu iska casilay xubninimada Aqalka Sare, sababo la xariira in Mukhtaar Roobow loo magacaabay Wasiir kamid ah Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi.

Prof. Samatar ayaa xusay in warkaas uu yahay waxba kama jiraan, uuna Aqalka Sare ugu biiray u adeegista bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Waxaa uu sheegay in uu taageersan yahay Wasiirka cusub ee Diinta iyo Awqaafta XFS Mukhtaar Roobow Cali Abu Maansuur, oo uu ku tilmaamay nin geesi ah oo ku dhac leh, isagoo intaas ku daray in uu kamid ahaa dadkii kasoo horjeeday xarigii ay u geysatay dawladdii Madaxweyne Farmaajo iyo dadkii lagu laayay Baydhabo, xilligii lasoo qabanayay.

Ugu dambeyn, Senator Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in dhowaanahan uu ku mashquulsanaa buug uu ka qoray Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo “XEYNDAABEENTA SOOMAALIYEED”, uuna soo bandhigayo.