DAAWO:-Prof. Samatar Safiirada beenta ah ee S.land halajoojiyo

1688

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa siwayn u dhaliilay, 28-sano kadib Siyaasiyadda Arimaha debeeda Somaliland, wuxuuna sheegay inaan Somaliland Raadin Wax aqoonsi ah, Wuxuuna sheegay inaysaan Jirin Wax safaarad ah oo Somaliland ay ku leedahay Caalamka.

“Hadii Aqoonsigii noqday Fallaadh Wadnaha inooga taalla, Sidee loo keenaa wax ka duwan 28-sanno kadib Halkii loo socday, Waana sheeko taalla hargeisa oo lagu sheekaysto, waana khasaare wayn in 28-Sano aan waxba la haynin”. Ayuu yidhi Axmed Samatar.

Samatar ayaa sidoo kale xusay in loo baahan yahay in wax laga Qabto beenta dhaqanka noqotay, ee ah Shaqsiyaaad aan Safiiro ahayn ay sheeganayaan inay yihiin Safiiro u jooga Somaliland Caalamka taasi oo ah Been cad sida uu sheegay.