Daawo:-“Puntland kama jiro Khilaaf Sharci ah gudaheeda”

1471

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlayay warbaahintiisa Madaxtooyada ayaa sheegay in uusan jirin khilaaf sharci ah oo u dhaxeeya gudaha Puntland, gaar ahaana isaga & Madaxweyne kuxigeenkiisa, taas oo ka dhigan in ay isku hayaan labada masuul ee u sareeya mandiqado arrimo u gaar ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in isbedeladu ay yihiin kuwa xanuun badan oo mar kasta sababa arrimo maamulo, balse aysan ka dhigneyn in u gudaha Puntland ka jiro khilaaf u dhaxeeya xagga sharciga iyo mid siyaasi ahba.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa dhawaan soo saaray labo wareegto oo xagga sharciga uu ku burinayo wareegtooyin kasoo baxay xaafiiska Madaxweynaha Puntland, taas oo ahayd kuwa ay kala daliishanayaan qodobada dastuuri ah labada dhinacba.

Jawaabta, Madaxweynaha Puntland aad uu iskaga aruuriyey in uu carabka kudhufto arrimaha khilaafka, haddana wuxuu sheegay in cid kasta oo isku dayda in ay sharciga ka talaabto ay jiraan Hay’addo Dastuuri ah oo u qaabilsan Puntland in ay sharciga kusoo celiyaan ama xakameynaya, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin.