DAAWO:-“Puntland oo diiday in Wada-hadal dhexmaro Somalia & Somaliland”

291

Xukuumadda Puntland ayaa sharci-darro ku tilmaamay wada-hadalada Dawladda Federaalka Soomaaliya ay la gasho maamulka Somaliland, kaas oo aan sal iyo raad laheyn.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, ayuu Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dawladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab Axmed ku sheegay in wada-hadaladaas ay u muuqdaan kuwo jeegaan ah, isagoo tilmaamay in haddii ay wada-hadlayaan DFS iyo Somaliland, loo baahan yahay inay goobjoog ka noqoto Puntland.

“Inta Somaliland sheeganayso dhul Puntland katirsan oo sool,sanaag iyo cayn ah, Somaliland iyo Soomaaliya wada-hadalkoodu ma noqonayo mid sharci ah, mid shaqeynayana ma noqonayo” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiwahaab.

Sidoo kale, Wasiir Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in go’aankii kasoo baxay maalmo kahor Puntland ee la xariiray ‘Geeddi-socodka Dawlad dhiska Soomaaliya’ uu ahaa mid ku saleysan Dastuurka KMG ah ee dalka, iyo kan Puntland, kuwaas oo damaanad qaadaya in Puntland u madax banaan tahay shaqooyinkeeda, inta laga dhameystirayo hannaanka Federaalka dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka dalka ay ka horreeyaan in heshiis siyaasadeed laga gaaro arrimo badan, sida qeybsiga awoodaha DFS iyo Dawladdaha xubnaha ka ah, arrinta Somaliland, dhismaha ciidamada Qaranka, maqaamka Muqdisho, wadaaga kheyraadka dalka iyo hannaanka cadaaladda.

Sidoo kale, Wasiir Maxamed Cabdiwahaab ayaa xusay in dawladnimada Soomaaliya ay ku timid wada-hadal, ayna Puntland dooneyso in dadka Soomaaliyeed ay ku heshiiyaan dawladnimadooda.