DAAWO:- Puntland Oo Gubtay Qaad Si Sharci Daro Lagu Soo Galiyay Boosaaso

1662

Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari, oo kaashanaya Maamulka Gobolka iyo kan degmada Boosaaso, ayaa xalay goob fagaare ah ku gubay Jaad badan oo si sharci darro ah loo soo geliyay gudaha Boosaaso.

Booliiska ayaa hawlgalo kala duwan oo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso, waxay ku soo qabteen Jaadkaas oo si sharci-darro ah loogu dhex iibinayay gudaha magaalada, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliiska iyo Maamulka Gobolka Bari.

Taliska Booliiska Gobolka Bari, ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo Amarkii Dowladdu ku mamnuucday keenista iyo cunista Jaadka ay ka hawlgaleen, dhaqan-gelinta Amarkaas, si looga hortago faafidda Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale, Ciidanka Booliiska ayaa magaalada Boosaaso ka wada hawlgallo kala duwan oo lagu sugayo Amniga magaalada kadib dilal maalmihii u dambeeyay ka dhacay gudaha Boosaaso.