DAAWO-Puntland oo ka hadashay weerarkii xabsiga Boosaaso

1522

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar habeenimadii xalay lagu qaaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, xilli saq dhexe ah kaasi oo sababay dagaal dhexmaray ciidanka ammaanka iyo malayshiyaad hubaysan.

Waxaa la xaqiijiyey in weerarku ku bilowday qaraxyo lala beegsaday albaabka laga galo xabsiga, waxaana intaasi ka dib dagaal toos ah uu dhexmaray ciidanka ilaalada xabsiga iyo sidoo kale kooxdii weerarka soo qaaday.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga weyn ee Boosaaso, ayaa sheegay in dableydii xalay soo weerartay xabsiga ay Ciidamadu cagta mariyeen, islamarkaana ay carareen sida uu hadalka u dhigay.

Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud, waxaa kale oo uu sheegay in laamaha Amniga Gobolka Bari ay ku guulaysteen soo af-jaridda hawlgalka, balse ay jiraan dad xabsiga ka baxsaday, kuwaas oo qaarkood dib loo soo qabtay.

Dhinaca kale, war kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in “howlgal guuleystay” uu ka dhacay xabsiga islamarkaana ay kusoo daayeen dad ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen, waxaana ay sheegeen in dadka la sii daayey ay kujiraan xubno katirsan argagixsada Alshabaab.