DAAWO:-Puntland oo kaqaylisay booqashadii Khayre ee Waqoyiga Galkacyo

1702

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi la socday oo maalmahanba ku sugnaa Galmudug ayaa galabta tagay dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo oo ka tirsan Puntland, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay, balse dhanka kale dhalisay khilaaf soo kala dhex galay maamulka Puntland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku gacan seyray inuu Ra’iisul wasaaruhu booqdo Waqooyiga Gaalkacyo, balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii ogaaday galabta in dhallinyaro is abaabulay ay ku sugayaan garoonka Kubbadda Cagta ee Cawaale waxa uu go’aansaday inuu tago, isaga oo aan ogolaansho weydiisan Deni.

Dhanka kale ciidamada PSF-ta Puntland aya aku gacan seyray amarka madaxweyne Deni ee ahaa inaan loo oggolaan in Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbo, taas oo dhalisay khilaaf soo kala dhex galay maamulka iyo ciidamada oo Ra’isul Wasaaraha soo dhoweeyay.

Khayre oo la hadlayay kumannaan qof oo ku soo dhoweeyay Waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka aan la kala dhex geli karin, hadalkaas oo u muqday farriin ku socotay Madaxweyne Deni.

Maamulka Puntaland ee Gaalkacyo oo shir jaraa’id qabtay caawa ayaa sheegay in Ra’iisul Wsaaaruhu uu baal maray hab-maamuuskii ay ugu talagaleen, kadib markii uu dib ugu soo laabtay caawa Koofurta Gaalkacyo.

Hadalka kasoo yeeray maamulka Gaalkacyo oo ku xiran madaxweyne Deni ayaa loo arkay mid si dadban loogu sheegayey in Kheyre uu magaalada iska soo galay iyada oo madaxweyne Deni uu arrintan diidanaa.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu aad u xun yahay khilaafka ka dhex oogan maamulka Puntland iyo dowladda federaalka mana cadda tallaabada xigta ee ay Puntland qaadi doonto.