DAAWO-Puntland oo qaraxyo waaweyn ku qabatay Galkacyo

1492

Ciidanka ammaanka ee dowladda Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay xaafaddaha qaar ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca xiga Maamulkaas.

Howlgalka Ciidamada ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qabtay qaraxyo lagu diyaariyay gudaha Magaalada Gaalkacyo iyo kuwo la damacsanaa in la diyaariyo, sida uu sheegay Taliska Booliska Mudug.

Taliyaha Puntland ee gobolka Mudug Gaashaanle Sare Muumin Cabdi Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidanka amniga ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan qaraxyo la diyaariyey oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Magaalada.

Dhanka kalena, taliye Muumin Cabdi Shire ayaa waxaa uu tilmaamay inay ku raad-joogaan dadkii ka dambeeyay diyaarinta qaraxyada, wuxuuna sheegay in lasoo qaban doono, uuna sii socon doono howlgalka amniga lagu xaqiijinayo.